Published on Nasikiliza

Codka haweenka ganacsatada ah ee Soomaaliyada isbedalaysa

This page in:
In Somalia, entrepreneurship is a driving force of the economy with an estimated 76% of all jobs coming from entrepreneurial activities. Except for large businesses, women play a leading role in this area. In Somalia, entrepreneurship is a driving force of the economy with an estimated 76% of all jobs coming from entrepreneurial activities. Except for large businesses, women play a leading role in this area.
Image
Women's History Month

Ganacsiga ayaa ah awoodda ugu weyn ee dhaqaajisa dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo qiyaastii 76% guud ahaan shaqooyinka ay ka yimaadaan hawlaha baayac-mushtarka. Marka laga reebo shirkadaha waaweyn, haweenka ayaa si weyn ugu lug leh ganacsiga. Haweenka Somaliland ayaa leh in ka badan kala bar meheradaha ay leeyihiin qoysaska. Muqdisho iyo Boosaaso-na waxa ay haweenku leeyihiin qiyaastii 45% ganacsiyada rasmiga ah. 

Inta badan dumarka Soomaalida ayaa sheegay inay doorbidaan ganacsiyada ay leeyihiin maadaama ay ka helaan madaxbannaani iyo inay shaqeystaan xilliga ay doonaan. Hasayeeshee, waxa uu weli farqi weyn oo dhanka jinsiga ah ka taagan yahay baayac-mushtarka; dumarka dhaqaale buuran kama helaan ganacsiga marka loo barbar dhigo ragga, halka aanay ka muuqan kaalimaha sarsare ee shirkadaha waaweyn. Marka, maxay yihiin sababaha hoos u celinaya dumarka ganacsatada ah? Si aan u helno jawaabta su’aashaas, waxaan ururinay sheekooyinka ganacsatada ka shaqeeya xoolaha, caanaha, kalluunka, tafaariiqda iyo qeybaha kale, ee magaalooyinka Hobyo, Boosaaso, Burco, Hargeysa iyo Muqdisho, si aan u ogaano caqabadaha haysta dumarka ganacsatada ah. Cilmi-baaristan waxa ay qeyb ka tahay Xogta Dhaqaalaha Soomaaliya ee dhawaan la soo geba-gabeeyay, taasoo lagu qiimeeyay caqabadaha loo baahan yahay in laga gudbo si ragga iyo haweenka Soomaaliyeed ay u helaan shaqo abuur wanaagsan. 

Guud ahaan qeybaha kala duwan ee ganacsiga, saddex arrimood ayaa ka soo baxay: 

Haweenka ma helaan amaah lacageed

“Shirkadaha bixiya amaahda ayaa samaystay xeerar adag oo aan u saamaxeyn dumarka in ay deyn qaataan. Sababtoo ah, bangiyada waxa ay qofka amaahda qaadanaya ka rabaan wakiil ama hanti muuqata. Labaduba ma aha kuwo ay si sahlan u heli karaan dumarka.” – waxaa sidaa tiri haweeney kalluunka ka shaqeysata oo Hobyo ku nool. 

Haween badan ayaa tilmaamay in sharciyada lahaanshaha dhulka iyo dhaxalkiisa ay si weyn ugu xagliyaan ragga, taasoo adkeynaysa in dumarka ay buuxiyaan shuruudda looga baahan yahay qaadashada deymaha bangiyada. Dadka qaar ayaa sheegay in raggu aanay jeclayn in damiin ka noqdaan dumarka, maadaama ay ka baqaan in dumarka leh ganacsiyada yaryar ay ku adkaan doonto bixinta deymaha. Dumarka qaarkood ayaa sheegay inay iska dhaafeen deymaha bangiyada, qiimaha awgeed, iyo inay kooban tahay muddada lagu celinayo deymaha. Sidaa awgeed, dumarka intooda badan marka ay lacag u baahdaan waxa ay ka amaahsadaan qaraabadooda iyo ayuutada ama hagbadda. Hasayeeshee lacagahaas ayaa inta badan ah kuwo kooban, oo aan u sahlayn inay maalgashi weyn ku sameeyaan ganacsiyadooda. 

Ganacsiyada dumarka waxay u badan yihiin suuqyada maxalliga ah ee maalinlaha ah

“Suuqeennu waa mid aad u yar, tirada haweenka ku iibiya kalluunkana waa ay badan yihiin. Marka caqabad weyn ayaa naga haysata suuqa iyo in aan gaari karin suuqyada deriska ah ee sida weyn looga baahan yahay kalluunka.” – waxaa sidaa tiri haweeney kalluunka ka shaqeysata oo Hobyo ku nool.

Guud ahaan qeybaha kala duwan ee ganacsiga, haweenka ayaa ka warramay culayska ka haysta suuqyada maxalliga ah. Tusaale ahaan, haweenka iibiya caanaha iyi kalluunka ayaan guud ahaan helin qaaboojiyayaal ay ku shaqeystaan. Tani ayaa ka dhigan in aanay badeecooyinkooda keydin karin ama aanay u safrin karin magaalooyinka u dhaw, oo ay macaash fiican ka samayn karaan. Sidaa awgeed waxa ay ku qasban yihiin inay caanaha iyo kalluunka ku iibiyaan suuqa maalinlaha ah oo mararka qaar ay ku baari karaan waxa ay iibinayaan. Cilmi-baaris dhawaan laga sameeyay waddanka Ghana ayaa lagu ogaaday in "saxmadda" noocan ah ee ganacsiyada ay horseedo inay hoos u dhacaan iibka ay sameeyaan meheradaha dumarka taasoo yaraysa faa'iidada soo gasha haweenka baayac-mushtarka ah. Haweenka ka ganacsada xoolaha ayaa sheegay inay la kulmaan caqabado xilliyaysan. Tusaale ahaan, xilliga Xajka ee uu wanaagsan yahay suuqa xoolaha, ragga haysta dhaqaalaha buuran ayaa inta ay soo iibsadaan xoolo badan ka sii iibiya shirkadaha u safriya waddamo ay kamid tahay Sacuudi Carabiya. Tani ayaa sare u qaadda qiimaha xoolaha ee gudaha dalka, waxaana ay saameyn xun ku yeelataa haweenka leh ganacsiyada yaryar ee doonaya inay xoolaha sii iibiyaan. Waxaa cadaatay in dumarka ku kooban suuqyada maxalliga ah aysan inta badan helin dad ay wax ka iibsadaan ama kuwo ay wax ka iibiyaan. 

Ganacsiyada haweenka oo inta badan ku yaalla goobo aan wanaagsanayn

“Inta badan ganacsiyada ay haweenku leeyihiin waa kuwo yaryar oo ku yaalla xaafadaha, halkii ay ku ooli lahaayeen xarumaha ganacsi ee magaalada. Sidaa awgeed ma helaan meelo kala duwan oo ay badeecooyinka ka dalban karaan, waxaana inta badan alaabta siiya hal shirkad ama ganacsade." waxaa sidaa tiri haweeney ganacsi ku haysata Hargeysa.

Guud ahaan qeybaha kala duwan ee ganacsiga, haweenka ayaa ka warramay culayska ka haysta goobaha ay ku yaallaan meheradahooda. Xannaanada carruurta iyo hawlaha guriga ayaa inta badan ku qasba dumarka inay ka shaqeystaan meel u dhaw gurigooda. Caqabadaha kale ee haysta waxaa kamid ah in aanay awoodin kirada sanadka la hormariyo ama damiinka looga baahan yahay dukaamada ku yaalla goobaha muhiimka ah. Sidaa daraadeed, waxaa caadi noqotay in ganacsiyada dumarka ay ku bataan xaafadaha ka fog suuqyada magaalada ama goobaha u dhaw guryahooda, taasoo horseedday soojiidashada macaamiil badan. 

Maxaa xiga? 

Dumarka ganacsatada ah ayaa xaaladaha caadiga ah ee aanay jirin abaarta, cudurrada ama colaadda, waxa ay u baahan yihiin inay la yimaadaan hal-abuur ay ku xoojinayaan baayac-mushtarkooda. Inkastoo loo baahan yahay cilmi-baaris dheeraad ah si loo ogaado qaabka ugu wanaagsan ee lagu caawin karo dumarka Soomaaliyeed ee ganacsatada ah, hal-abuurka laga hirgeliyay waddamada kale ayaa bidhaamin kara nooca ay tahay kaalmada waxtarka u yeelan karta. 

Tusaale ahaan waddanka Nigeria, Mashruuca Maalgelinta Ganacsiyada Haweenka ayaa tijaabinaya hannaan deymo lacago danabaysan ah oo lagu caawiinayo dumarka gacansatada ah si ay uga kabsadaan caqabadaha haysta. Sidoo kale dalka Itoobiya, shirkadaha bixiya amaahda kooban oo qeyb ka ah Mashruuca Horumarinta Ganacsiyada Haweenka ayaa adeegsaday hannaan deymin lacageed ah, si ay u yareeyaan shuruudaha looga baahan yahay dumarka doonaya in bangiyada ay deymo ka qaataan. 

Marka laga hadlayo goobta uu ku yaallo ganacsiga, haddii kharashku yahay caqabad, in dumarka lagu caawiyo lacago kab ah ama damiin ayaa u sahli karta inay helaan goobo wanaagsan oo ay ku ganacsadaan. Haddii caqabaduhu yihiin hawsha guriga iyo xannaanada carruurta, markaas waxaa u wanaagsan in laga caawiyo dhinacyadaas. Tusaale ahaan waddanka Uganda, daraasad ayaa lagu ogaaday in carruurta la keeno goobaha shaqada inay horseedaan “hoos u dhac faa’iido” – oo dumarka sidaa sameeya ay faa’iidadooda hoos u dhacdo 45%. 

Iyadoo aan raadinayno xal u wanaagsan Soomaaliya, ayaa waaxda Bangiga Adduunka ee Africa Gender Innovation Lab waxa ay tahay goob wanaagsan oo laga heli karo caddeymo laga soo ururiyay guud ahaan mandiqadda, kuwaas oo lagu eegay qaabka lagu yareyn karo farqiga u dhexeeya ragga iyo haweenka ee ku aaddan dakhliga, wax-soo-saarka iyo hantida. Haddii mashaariicdu ay yihiin kuwo la doonayo in si wanaagsan loogu taageero dumarka, waa inay ka fekeraan hal-abuur ay wax uga qabanayaan caqabadaha waa weyn ee taagan. Mid kamid ah ragga ganacsatada ah ee Hobyo ayaa yiri, “haweenku wax badan ay qabsaan karaan, waa haddii fursad la siiyo.” 

Warbixintan waxa ay qeyb ka tahay warbixinnada taxanaha ah ee dhanka online-ka ee Madasha Awoodsiinta Haweenka Soomaaliya ee Bangiga Adduunka taas oo soo bandhigta caddaymaha iyo xalka loo heli karo awoodsiinta haweenka iyo gabdhaha Soomaaliya.


Authors

Sophia Friedson-Ridenour

Social Development Specialist in the World Bank’s Africa Region Gender Innovation Lab (GIL)

Join the Conversation

The content of this field is kept private and will not be shown publicly
Remaining characters: 1000