Published on Nasikiliza

Isbadelka ku imanaya dhaqankii inan rageedka ku salaysnaa ee Soomaalida, iyo in markiiba hal shaqo la qabto

This page in:
Two female farmers harvesting onion in their farmland in Dollow town, Somalia. Two female farmers harvesting onion in their farmland in Dollow town, Somalia.

Walow caqabado kala duwan ay wajahaan ganacsiyada Soomaaliya, gaar ahaan caqabadaha ku horgudban haweenka ee dhinacyada dhaqaalaha, inay ganacsiyo yeeshaan, iyo in ganacsiyadooda ay kobcistaan, ayaa haddana haweenka ganacsatada ah ee Soomaalida waxa ay dowr muhiim ah ka ciyaaraan dhaqaalaha Soomaaliya iyagoo xoojiya kobaca iyo shaqo abuurka. Qaar kamid ah caqabadaha ayaa waxaa si faahfaahsan loogu sheegay Heshiiska Dhaqaalaha ee Dalka Soomaaliya kaas oo muujinaya sida caqabadahaasi ay saameynta taban ugu leeyihiin shaqo abuurka iyo kobaca dhaqaalaha ee Soomaaliya. Iyadoo loo dabbaaldegayo Bisha Haweenka ee Caalamiga ah, ayaa si ay khibradeeda inoola wadaagto waxaynu la hadalnay Marwo Xirsiyo Cabdulle Siyaad, aasaasaha ahna maamulaha shirkadda SomFresh Fruits and Vegetables, sidoo kalana ah gudoomiyaha Haweenka Ganacsatada ah ee Soomaaliya, taas oo ah urur dalka oo dhan gaarsiisan oo horumariya haweenka ganacsatada ah.

Xirsiyo Cabdulle Siyaad wax ay ganacsigeeda ka bilowday dharka caadiga ah iyo kuwa gacmaha lagu farsameeyo ee hidaha iyo dhaqnka, kuwaas oo ah ganacsi ay inta badan ku howlan yihiin haweenka Soomaaliya. Markii ganacsigeeda uu dabooli waayay baahida qoyskeeda, ayaa waxa ay go’aansatay inay ganacsigeeda wax kale u weeciso, 2014-kii ayeyna sameysay shirkadda SomFresh, oo shirkad khudradda ku iibisa suuqyada Muqdisho. SomFresh ayaa alaabaheeda waxa ay ku beecisaa Muqdisho iyo  deegaannada gobolka Benaadir. Muddo sanada ah ayey shirkaddan waxa ay xiriir deggan la laheyd dadka ka iibsada khudradda ee ku sugan magaalooyinka Hargeysa, iyo Garoowe iyo meelaha ka baxsan Soomaaliya (sida dalalka Turkiga, Masar, iyo Jabuuti). Maadaama ay tahay Gudoomiyaha Haweenka Ganacsatada ah ee Soomaaliya, waxa ay Xirsiyo tababartaa oo ay talooyin siisaa haweenka ganacsatada ah iyadoo la kulanta ama u qabata aqoon-is-waydaarsi si ay aqoonteeda iyo khibradeeda ula wadaagto, iyo casharrada ay ka baratay ganacsigeeda. Sidoo kale markasta oo ay suuragal tahay waxa ay haweenka siisaa taageero dhaqaale iyo dhiirrigelinba.

Q1. Waa maxay caqabadaha aad wajahday ka haweeney ganacsato?

Haweenka Soomaaliyeed ee ku howlan dhinaca beeraha ayaa waxa ay wajahaan dhowr caqabadood oo ay ku jiraan aragti aan wanaagsaneyn oo laga qabo iyo mowqif ku aaddan kartida iyo dowrka ay haweenku qaadan karaan. Taasi waxa ay haweenka ka riixaysaa fursadihii ay ku samaysan lahaayeen xiriiro iyo in dad kale ay ku xirmaan markii loo barbardhigo ragga. Haweenka Soomaaliya ayaa dhaqan ahaan waxaa loo arkaa inay yihiin guri joog carrruurta koriya, badanaana markii ay ganacsi balaabayaan waxaa loola dhaqmaa sida in aanay bulshada ka tirsanayn.

Haddaannu nahay haweenka, galaangalka aynu u leennahay taageerada dhaqaale waa ay yartahay markasta oo aannu dayn dalbanana badanaa waa naloo diidaa markii nala barbadhigo asaaggayaga ragga ah, xitaa haddii aynu leennahay karti iyo hanti siman. Inta badan shirkadaha ganacsiga waxa ay na waydiiyaan inaan la imaanno nin damiin ah ama noo saxiixa dikumtiyada si ananu taageero u helno. Sidoo kale, haween badan ayaa markii ay ganacsiga bilaabayaan iyo inta ay wadaanba aanay galaangal u helin xogta. Dhinaca beeraha, haweenka leh beeraha ama kuwa ka shaqeeya kalluumaysiga ayaa waxa ay caqabado kala kulmaan sidii ay u heli lahaayeen raasumaal iyo qalabkii ay ganacsigooda ku wadi lahaayeen. Waxa aanay haysan qalabka asaasiga ah iyo tababarba taas oo saameyn xun ku keenta wax-soo-saarkooda. Taasi waxaa sii dheer, in uu xaddidan yahay galaangalka ay haweenka u yeelan karaan suuqyada waxaana sidoo kale loollan ku ah kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka iyo korontada kuwaas oo aanan la heli karin ama xaalad xun ku sugan.

Q2. Sideed ragga Soomaaliyeed ugu qancisay inay horyaal u noqdaan SomFresh haweenkuna ay ganacsiyada ka qeybqaataan?

Waxaan ragga ku dhiirrigeliyaa inay taageeraan haweenka ganacsatada ah. Mar aan doonayay inaan dhaqaale u helo dhulbeereed aan u rabat SomFresh, banging wuu diiday codsigayga, waxaana la I waydiiyay inaan la imaado qof aan wadasaxiixno warqadaha ama damiin iga ah. Saaxiibaday ragga ah waxaan ku dhiirrigeliyaa inay taageeraan gabdhaha la dhashay, xaasaskooda, iyo gabdhaha ay dhaleen si loogaga gudbo caqabadahaas, aysanna ku adkaysan inay guryaha joogaan oo ay howsha guriga uun qabtaan carruurtana xanaaneeyaan. Anigaa tusaale ahaan isku soo qaata oo waxaan ku qanciyaa inay haweenkooda ka taageeraan inay ganacsi bilaabaan.

Q3. Maxay sameyn karaan dowladda iyo kooxaha horumarka ay ka kaashato si culeyska loogaga fududeeyo ganacsiyada ay haweenku leeyihiin sida SomFresh?

In haweenka markii ay ganacsiyada bilaabayaan iyo inta ay wadaanba la siiyo xog iyo in la xalliyo caqabadaha dhaqaale ee haysta haweenka ayaa u baahan in ahmiyad gaar ah la siiyo. Dowladda ayaa waxa ay taageeri kartaa ganacsiyada, iyadoo wax ka qabanaysa hannaanka waraabka, kaabayaasha beeraha, iyo in la dhiso awoodaha ay u baahan yihiin haweenka beeralayda ah iyo kuwa beeraha lehba. Taasi waxaa dheer, in dowladda ay tahay inay dhaqangeliso hindisiyaasha sida SomFresh, taas oo tababarta talana siisa haweenka, si sare loogu qaado oo loo gaarsiiyo heerka urur ay leeyihiin haweenka ganacsatada ah lana siiyo awood ay ku bixin karaan shatiyo. 

Kooxaha horumarka kaaba ayaa sii wadi kara taageerada ay siiyaan haweenka ku jira ganacsiga iyagoo dhisaya awoodooda, siinaya qalab u fududeeya shaqada, gacan ka gaysanaya sare u qaadidda wax soo saarka iyo taageeridda Madasha Wadahadalka ee Shirkadaha Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya si ganacsiyada haweenka ay ugu suuragasho inay soo caanbaxaan. Sidoo kale waa inay siiyaan fursado ay ugu xirmi karaan maalgashi, kooxo ay iskaashi yeeshaan, iyo wadashaqeynba. Tusaale ahaan, kooxaha horumarka taageera ayaa waxa ay maalgeliyeen qaboojiye wax lagu kardiyo oo ay u dhiseen SomFresh iyo hannaan tamar lagu dhaliyo oo ku shaqeynaya soolar kaas oo koronto siinaya qaboojiyaha. Taas ayaa waxa ay gacan iga siisay in wax soo saarkeyga uu noqdo mid tayadiisa aanay isbadelin oo sidii uu ku soo baxay oo kale ah. Tallaabooyinka fudud ee noocaasi oo kale ah ayaa waxa ay wax ka badeli karaan ganacsiyada haweenka.

Q4. Maxay tahay faa’iidada ugu badan ee laga helo in la bilaabo ganacsi oo misana la sii wado?

Waxaa aad muhiim iigu ah inaan arko haweenku inay ganacsi bilaabaan, dakhli ay helaan, ayna quudiyaan qoysaskooda. Mar alaale iyo markii haweenka lacag la siiyo oo ay taageeraan qoysaskooda, waxaan taas u arkaa hannaan miro-dhal ah. Bulshada Soomaaliya waa mid inan rageed uun ah, oo markii aan ganacsi sameysto oo aan aniga ku shaqeysto, waxaan dhiirrigelin u ahay haween badan oo ii arka inaan u ahay qof ay ku daydaan… Anigana marwalba waxaan dhiirrigeliyaa haweenka doonaya inay gacansi bilaabaan. Markii aan arko haween yoolkooda gaaraya, xitaa ganacsiyada ay raggu aadka ugu badan yihiin, taasi aniga kaliya iima ahan faa’iido ee waxa ay u tahay dhammaan haweenka Soomaaliyeed. Waxaan haweenka kale kala taliyaa sida ay ku bilaabi karaan ganacsi ama aan ula wadaagi lahaa xalka anigoo kaashanaya khibraddayda. Walow faa’iidada laga helo ganacsiga ay yar tahay, haddana la kulanka dadka, iyo isbadelka ku dhacaya bulshada ee la xiriira waxyaabaha laga aamisan yahay haweenka iyo ganacsiyadooda ayaa ah arrin muhiim ah. Ganacsigayga ayaan iska wataa maadaama aan ogahay  in haween badan oo Soomaali ah ay sidaas oo kale ay sameyn karaan.

*Warbixintan waxa ay qeyb ka tahay warbixinnada taxanaha ah ee dhanka online-ka ee Madasha Awoodsiinta Haweenka Soomaaliya ee Bangiga Adduunka taas oo soo bandhigta caddaymaha iyo xalka loo heli karo awoodsiinta haweenka iyo gabdhaha Soomaaliya. Warbixinno kale oo badan oo ku saabsan taxanaha ka akhri halkan hoose:


Authors

Hersio Abdulle Siad

Founder and executive director of Somfresh Company

Join the Conversation

The content of this field is kept private and will not be shown publicly
Remaining characters: 1000