Sanadkii 2012, Fowsiya Yuusuf Aadan ayaa noqotay haweeneydii u horreysay ee loo magacaabo wasiirka arrimaha dibedda iyo ra’iisal wasaare kuxigeenka Soomaaliya. Caasho Xaaji Cilmi oo u ololeysa nabadda ayaa gacan ka geysatay sameynta ururka haweenka ee Beesha Lixaad si loo iftiimiyo muhiimadda ay leedahay in dumarku ay ka qeyb qaataan nabadeynta. Taasi ayaa dhalisay in dumarka Soomaaliya ay markii u horreysay lagu metalo wadahadalladii nabadda. Ifraax Axmed ayaa si lamid ah 90% gabdhaha Soomaalida ah waxaa lagula kacay gudniin fircooni ah. Waxa ay go’aansaday inay ka hadasho dhibaatadaas, iyadoo kaashaanaysa dumar kale oo Soomaali ah ayaa waxa ay u ololeysay in la soo afjaro caadadaas, xalkuna uu noqdo mid ka yimaada bulshada. Xaawo Aadan Maxamed oo asaastay Xarunta Waxbarashada, Nabadda iyo Horumarka ee Gaalkacyo (GECPD), ayaa samaysay meel ay haweenka iyo gabdhaha soo barakacay iyo kuwa dhibaatada loo geystay ay ka heli karaan ammaan, hooy iyo fursado. Tan iyo 1994, waxa ay Puntland ku waxbartay in ka badan 1000 gabdho iyo haween isugu jira, inkastoo marar badan loo hanjabay, oo xitaa dhowr jeer la rasaaseeyay. Dedaalkeeda waxa ay ku heshay abaalmarinta TRT World Citizen Educator Award ee 2019 iyo midda UNHCR Nansen Refugee Award ee 2012.
Maxay ka siman yihiin haweenkaas oo dhan? Waxa ay ka gudbeen caqabado u gaar ah si codkooda looga maqlo bulsho ay raggu gaaraan go’aannada masiiriga ah. Waxay caalamka u sheegeen: Dumarka Soomaalidu waa kuwo jira, khibraddeenna iyo hogaankeenuna waa kuwo muhiim u ah xal u helidda dhibaatooyinka kala duwan ee uu wajahayo waddankeenna. Ma nihin oo keliya hooyooyin iyo guri jog. Guud ahaan Soomaaliya, haweenka meeqaamka leh ayaa jebiya derbiyo ku gudban horumarkooda.
Waa in aan xusno dumarkaas ka gudbay caqabadaha isla markaana jebiyay derbiga. Hannaankooda hoogaamineed waxa uu tusaale u noqon karaa ragga iyo dumarka, gaar ahaan haweenka da’da yar ee doonaya inay isbedal ku sameeyaan bulshooyinkooda. Tobankii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya waxa ay horumar ka samaysay sharciyeynta iyo nidaaminta sinnaanta jinsiga. Qoondada dumarka ee la sameeyay sanadkii 2012 ayaa 14% sare u qaaday metalaadda ay haweenka ku leeyihiin Aqalka Sare. Qorshaha Horumarinta Qaran 2020-2024 ayaa soo bandhigay isla markaana xoojiyay go’aanka lagu adkeynayo sinnaanta jinsiga. Hannaanku ma aha mid dhamaystiran, balse qoondadu waxa ay sare u qaadday hammiga dumarka iyo in caadi loo arko dowrka ay ku leeyihiin hogaaminta bulshada iyo go’aannada na khuseeya.
Sanado badan oo aan ahaa sheekeeye iyo qof u ololeeya arrimaha dumarka, waxaan arkay in haweenka Soomaalida ay qaab kale u wajahaan hogaanka. Waxay hogaanka u arkaan fursad loogu adeegi karo ragga iyo dumarkaba, inta badana waxa ay wadaagaan awoodda (eeg ururada haweenka Soomaalida si aad u fahanto arrinkan!), iyagoo dhiirageliya kala aragti duwanaanta arrintaas oo horseedda go’aan qaadasho xooggan. Waxa ay sidoo kale xoogga saaraan ururrada ay u adeegayaan, iyagoo dib dhiga danahooda gaarka ah. Daacadnimada noocaas ah ayaa abuurta dhaqan is-aaminaad ah oo muhiim u ah noolasheenna bulsho ee maanta.
Hasayeeshee, dumarka waxa ay weli wajahayaan caqabado dhanka bulshada iyo dhaqanka ah. Hogaaminta dumarka iyo gabdhaha ee bulshada (haddii ay ahaan lahayd siyaasadda, gacansiga ama nabadeynta) ayaa u baahan in maalin kasta loo dagaallamo. Haweenka ayaa weli loo arkaa inay yihiin guri joog, carruurta koriya, isla markaana ku hawlan shaqooyinka guriga. Dumarka ayaa sidoo kale u baahan inay ka gudbaan faquuq jinsi ku salaysan oo ay kala kulmaan goobahooda shaqada, siyaasadda ku salaysan qabiilka ee mudnaanta siisa ragga, iyo tacaddiyada qotada dheer ay loo geysto haweenka. Caqabadaha dumarka ka haysta helitaanka waxbarashada ayaa ka horjoogsada inay yeeshaan khibrado wanaagsan. Waxaa jira caadooyin gaar ah oo dhibaato ku ah haweenka: tusaale ahaan, gudniinka fircooniga ayaa xanuun badan u geysta dumarka noolashooda oo dhan. Waxaa sidoo kale dumarka lagu dhiirageliyaa inay da’ yar ku guursadaan. Arrimahaas ayaa yareeya awoodda ay haweenka u leeyihiin inay yeeshaan hammi sare, ayna ka gudbaan caqabadaha horyaalla. Waxaa dhab ah in sinnaan la’aanta jinsiga ay ka timaado in dumarka qudhooda ay ka cabsi qabaan inay yeeshaan himilo sare. Waxaanu nahay 50% bulshadan, bal ka feker waxa aan soo kordhin karno feker ahaan, dhaqaale ahaan, hoggaan ahaan iyo hal-abuur ba!
Waxaan ku faraxsannahay in aan arkay horumar aan buurnayn oo sanadihii la soo dhaafay laga sameeyay taageeridda hogaaminta dumarka ee dhinacyada siyaasadda iyo bulshada rayidka ah. Ururo kala duwan oo ay leeyihiin haweenka iyo dhaq-dhaaqyo cusub ayaa ka qeyb qaatay isbedalka lagu samaynayo caadooyinka xun iyo in dumarka loo fududeeyo ka qeybgalka noolashada bulshada iyagoo ah muwaadiniin buuxa. Hogaamiyayaasha ay kamidka tahay Fowsiya Yuusuf Aadan ayaa dhiiragelin u ah jiilka cusub ee haweenka hogaamiyayaasha ah. Waxa ay muujiyaan hawl-karnimada dumarka ee wadahallada nabadda iyo in aan cashar ka barano colaadda muddada dheer jirtay si loo helo Soomaaliya loo dhan yahay. In dumarka Soomaalida ah lagu dhiirageliyo inay heer sare ka gaaraan waxbarashada ayaa ah qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo guurka gabdhaha da’da yar iyo in dumarka ay noqdaan hogaamiyayaasha ay doonayaan. Marka laga soo tago in haweenka Soomaaliya ay dowr muuqda ka ciyaaraan bulshada rayidka ah, hay’adaha dowliga ah, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hogaaminta siyaasadeed, waxa ay sidoo kale ka qeyb qaateen dedaallada nabadeynta ee ay ku taageeraan bulshada iyo weliba xuquuqda dumarka. In xal loo helo dhibaatooyinka iyo amnidarrada ka dhanka ah dumarka ayaa muhiim u ah wax ka bedallida qaab dhismeedka bulshada ee ragga iyo dumarka, oggolaanshaha jinsiga ah iyo bedlidda dhaqamada xun.
Balse wax badan ayaa dhiman. Si loo helo nabad waarta oo bulshada dhexdeeda ah, waa in haweenka loo fududeeyo inay ka qeyb qaataan hogaaminta, oo aanay ku koobnaan siyaasadda ee ay sidoo kale ka dhex muuqdaan bulshada rayidka ah iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Si gaar ah, dumarka dhalinyarada ah waxa ay u baahan yihiin in la dhiirageliyo isla markaana ay helaan mashaariic u gaar ah oo lagu hormarinayo hogaamintooda. Dugsigayada ayaa dowr muhiim ah ka qaadan kara xoojinta xirfadaha hogaamineed ee gabdhaha. Waa in aan degdeg wax uga qabano caqabada ah in gabdhaha ay ka haraan waxbarashada saboolnimo awgeed, gudniinka fircooniga ah, guurka xilliga hore iyo in faraha looga qaado hawsha guriga. 13-kii sano ee la soo dhaafay, waxaan goobjoog u ahaa sida barnaamijyada waxtarka ah ee ay kamidka yihiin tababarrada xirfadaha nolol maalmeedka, ka hadalka fagaarayaasha iyo doodaha ay u caawin karaan gabdhaha ardayda ah.
Gabar iyo dumar-kasta waxa ay awood u leedahay inay shaqeyso isla markaana ay hanato qoyskeeda, bulshadeeda, ayna gacan ka geysato dhaqaalaha Soomaaliya. Marka aan u debaal-degno Bisha Haweenka ee Caalamiga ah, waxaan sidoo kale xusnaa haweenka Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah ee wadada u xaaray jiilka soo socda ee dumarka kamid noqonaya hoggaanka Soomaaliya. Waxaa la joogaa xilligii aan aqoonsan lahayn oo aan muujin lahayn guulaha ay gaareen dumarka. Waxaa la joogaa xilligii loo fududeyn lahaa oo caadi looga dhigi lahaa dumarka inay ka qeyb qaataan noolasha bulshada.
Warbixintan waxa ay qeyb ka tahay warbixinnada taxanaha ee Madasha Awoodsiinta Haweenka Soomaaliya ee Bangiga Adduunka taas oo soo bandhigta caddaymaha iyo xalka loo heli karo awoodsiinta haweenka iyo gabdhaha Soomaaliya.
Join the Conversation