Published on Africa Can End Poverty

Sidee dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya loogaga saari karaa saboolnimada? Kordhi fursadaha dhaqaale ee haweenka

This page in:
Image
Women's History Month

Saboolnimada aad bay ugu baahsan tahay Soomaaliya, hasayeeshee in la ogaado deegaanka iyo waxa ay dadka saboolka ah u baahan yihiin ayaa waxaa aad u adkeeyay colaadda iyo qulqulatooyinka dalka ka jira. Wax aad u yar ayaa laga ogyahay sida jinsiga qofka ay u saameyso saboolnimada ka dhex jirta dadka gudaha ku barakacay (IDPs). Iyadoo la isticmaalayo sahmin casri ah oo xogta lagu soo uruurinayo tiknolojiyadaha cusub, ayaa waxaa wax badan lagu ogaaday Barnaamijka Cilmibaarista ee lagu cabbiro Dadka sida Qasabka ah Guryahooda loogaga Barakiciyay.

Iyadoo la isticmaalayo sawirro lagu qaaday dayax-gacmeed iyo hab kale oo casri ah oo lagu ogaado xogta qeyb yar ama tiro cayiman oo bulshada ka tirsan, ayaa Sahanka Sare ee aadka loo soo celceliyo ee Soomaaliya (HFS) waxa uu soo bandhigayaa farqiga dhanka xogta ah, xilli ay aheyd in laga gudbo caqabadaha ku gadaaman in la gaaro deegaannada aan ammaanka aheyn. Waxaa muhiim ah in HFS ay ogaatay Soomaalida ku barakacday gudaha.

UNHCR ayaa waxa ay qiyaasaysaa in dhammaadkii 2020-kii saddex milyan oo qof ay ku barakaceen gudaha (kuwaas oo ah ku dhawaad 17% bulshada dalka ku nool), dadkaas oo ay soo barakiciyeen qaabab kala duwan; colaad hub la isu adeegsado iyo iskudhacyo qabiil, abaar, macaluul, iyo musiibooyin dabiici ah. Colaadda daba-dheeraatay ayaa waxa ay sare u qaadday saamiga guryaha ay haweenka hogaamiyaan, iyadoo ku dhawaad kala bar dhammaan qoysaska ay talada guriga haysay haweeney muddo ka badan 10 sanadood.

Bilowgii hore, kala duwanaanta jinsiga waxa ay u muuqanaysay mid saameyn yar ku leh halista saboolnimada. Walow heerka saboolnimada ay aad ugu badan tahay dadka gudaha ku barakacay markii la barbardhigo kuwa aanan barakicin (77% kan hore halka kan dambe uu yahay 66%), sidaas oo ay tahay guryaha ay ragga maamulaan ayaa waxa ay ka saboolsan yihiin kawa ay haweenka hogaamiyaan. Falanqeyn dheeraad ah oo la sameeyay ayaa waxa ay tibaaxaysaa farqi badan oo u dhaxeeya dadkaasi. Markii la tixgaliyo tayada qoysaska iyo shakhsiyaadka, ayaa haddana qoysaska IDPs-ka ee carruurta wata, gaar ahaan qoysaska ay hogaamiyaan haweenka garoobada ah iyo xaasaska carruurta wata waxa ay boqolkiiba 17-20 dhibcood ka sii saboolsan yihiin kuwa kale, xaaladdaas oo ka duwan midda qoysaska aanan barakicin. Qoysaska ayaa waxa ay jahawareer la kulmaan inta ay barakacayaan; qaar ka mid ah carruurta iyo dadka da’da ah waxa ay ku biiraan qoysaska kale, halka xubnaha kale ee qoyska ay goobta ku haraan. Waxaannu ogaannay in isbadelkaas uu sare u qaado halista saboolnimada, xitaa xaaladaha markii horaba ay saboolnimadu ay baahsaneyd.

Maxaa marka qoysaska ka difaacaya saboolnimada?

Qoysaska IDPs-ka, ayaa in ay yaraato halista saboolnimo ee ay wajahayaan waxa ay ku xiran tahay inay u joogaan haween badan oo dakhli soo gelinkara, halka marka ay badan yihiin ragga dhaqaalaha uu soo galo lala xiriiriyo in ay yaraan karto halista saboolnimo — oo qiyaastii 40% ay ka yar tahay — markii la barbardhigo qoysaska aanan barakicin. Sida shaxda hoose ay muujinayso, in qoysku uu leeyahay dad badan oo dakhli uu soo galo ayaa waxa ay hoos u dhigaysaa halista saboolnimada ee dhammaan qoysaska, hasayeeshee waxaa arrintaasi aad uga faa’iidaysta dadka IDPs-ka. Taasi ayaa waxaa laga yaabaa inay la xiriirto xayiraadaha caadooyinka ku salaysan ee haweenka u diidaya inay ka shaqeeyaan meel ka baxsan guriga, kuwaas oo meesha ka baxa markii ay dadku barakacaan.

Qoysaska dadka gudaha ku baracakay ee ay u joogaan dhowr dumar ah oo dakhli uu soo galo ayaa waxaa u joogo dad waa wayn iyo carruur aan badnayn taas oo ka duwan qoysaska nin ama haweeney uun uu dakhliga soo galo, ama kuwa ku tiirsan lacagaha lagu soo diro xawaaladaha. Sikasta oo uu xaalku ahaadase, markii celcelis ahaan qoysku uu ka kooban yahay laba carruur ah iyo afar qof oo waa wayn, ayaa waxa ay aad ula mid yihiin qoysaska uu dakhliga soo galo dhowr qof oo rag ah. Markii laga soo tago hogaamiyayaasha qoysaska iyo xaasaska isqaba, ayaa haweenka kale ee dheeraadka ah ee uu dhaqaalaha soo galo ayaa waxa ay u badan yihiin gabdho da’yar. Qaar ka mid ah waxa ay la dhasheen iyo ilma abti ama ila habaryar yihiin qofka qoyska hogaamiya ama xaaska. Dadkaas oo aanan qeyb ka aheyn guryaha bahaha badan ay deggan yihiin.

Qoysaska IDPs-ka ayaa inta badan ka faa’iidaysta markii ay leeyihiin dad dakhli soo gelin kara

IDP households benefit most from having more earners
Note: The bar shows the odds of falling into poverty, compared to households with no earners.

Maxaa laga baran karaa habka loo sameeyay cilmibaaristayada?

Xogta aynu soo helnay ayaa waxa ay tilmaamaysaa in ay muhiim tahay in lala hadlo dad ka baxsan madaxda si loo fahmo farqiga jinsiga u dhaxeeya markii ay timaado halista saboolnimada iyo sameynta siyaasadaha. Arrinta ahmiyadda gaarka ah leh waa in haweenka aanay galaangal u lahayn fursadaha dhaqaale iyo mas’uuliyadaha ku lamaananba. Haddii aynu ku ekaan lahayn oo kaliya haweenka madaxda ah, waxaannu go’aamin lahayn in haweenka ay ragga kaga wanaagsan yihiin gudaha Soomaaliya.

Maxaa la qaban karaa?

Siyaasadaha lagu dhimayo saboolnimada iyo barnaamijta ka socda Soomaaliya ayaa muhiim u ah dhammaan qoysaska balse bartilmaameedka iyo habka wax lagu gudbinayo ayaa weli ah mid taagan. Ka sokow arrimaha sida deegaanka iyo heerka nafaqada, barnaamijyada lacagaha lagu bixiyo ayey tahay in lagu tixgeliyo hal-abuurka qoyska. Baxnaano, waa mashruucii ugu horreeyay ee ay dowladda Soomaaliya lacag ku bixinayso, ayaa waxaa diiradda la saaraa haweenka haysta carruurta ay da’doodu ka yartahay shanta sanadood. In lacagtaas dadka loogu diro taleefannada – sida kiiska Baxnaano – ayaa muhiim waxa uu u noqon karaa haweenka maadaama ammaan xumida iyo qulqulatooyinka jinsiga ku salaysan ay xaddidayso dhaqdhaqaaqooda. Baxnaano ayaa waxaa u suuragashay inay sare u qaaddo ka jawaabcelinta ‘naxdinta saddex jibaaran’ ee ah duullaankii Ayaxa dhulka xaalufinayay, cudurka safmarka ah ee COVID-19, iyo daadadka, arrimahaas oo ku dhawaad 100,000 oo qoys gaarsiiyay in la siiyo lacag gurmad ah oo noloshooda ay ku ilaashadaan.

Naqshadda barnaamijyada la doonayo in lagu horumariyo fursadaha dhaqaalaha ayey qasab tahay in la tixgeliyo haddii waxyaabo gaar ah loo baahan yahay in la fuliyo, si loo kordhiyo dakhliga soo gala haweenka iyo wax soo saarkoodaba. Tusaale ahaan, barnaamijyada howsha dadweynaha ee u baahan farsamada gacanta ayaa badanaa haweenka ka dhigta kuwa aanan barnaamijyadaas ka qeyb qaadan. Xaddidaadaas ayaa la khafiifin karaa iyadoo la sameynayo waxyaabo ay ka wada shaqeyn karaan ragga iyo haweenkaba. Iyadoon la eegayn nooca howsha, ayey muhiim tahay in la xaqiijiyo in mushaar siman la siiyo ragga iyo haweenka. Mas’uuliyadaha daryeelka ayaa iyana ah qodob kale oo muhiim ay tahay in la tixgaliyo. Barnaamijyada howlaha guud iyo kuwa nolosha ayaa waxaa lagu fulin karaa adeegyo kaabis ah sida in la helo goobo carruurta lagu xanaaneeyo oo bulshada ay leedahay, waqtiga shaqada oo laga dhigo mid qofka uu dooran karo, iyo in shaqaalaha laga caawiyo gaadiidka ama in goobta ay haweenka ka shaqeeyaan loo dhaweeyo guryahooda.

Barnaamijka Cilmibaarista jinsiga ee lagu cabbiro Dadka sida Qasabka ah Guryahooda loogaga Barakiciyay ee ay hogaamiyaan Lucia Hanmer iyo Diana Arango, iyagoo hoos tagaya Hana Brixi, Agaasimaha Guud ee arrimaha Jinsiga, ayaa qeyb ka ah barnaamijka "In la uruuriyo Caddaynta Dadka xoogga Guryahooda loogaga Barakiciyay: Iskaashi Dhinacyo badan taabanaya." Mashruucan waxaa maalgelisay hay’adda UK aid ee ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ee United Kingdom, ururka Barwaaqa-sooranka, iyo Xafiiska Horumarinta (FCDO). Waxaa mashruuca maalgeliya Kooxda Bangiga Adduunka (WBG) oo iskaashi uu kala dhaxeeyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR).

Warbixintan waxa ay qeyb ka tahay warbixinnada taxanaha ah ee dhanka online-ka ee Madasha Awoodsiinta Haweenka Soomaaliya ee Bangiga Adduunka taas oo soo bandhigta caddaymaha iyo xalka loo heli karo awoodsiinta haweenka iyo gabdhaha Soomaaliya. 


Authors

Lucia Hanmer

Lead Economist, Gender

Eliana Rubiano-Matulevich

Senior Economist at the Poverty and Equity Global Practice for Latin American and the Caribbean at The World Bank

Join the Conversation

The content of this field is kept private and will not be shown publicly
Remaining characters: 1000