Published on Nasikiliza

Ka gudbidda xaydaanka – Teegeeridda in dadka oo dhan ay galaangal u yeeshaan shaqooyin wanaagsan oo ay ku helaan gudaha Soomaaliya

?? ???????? ????? ?? ???? ?????? ???? ??????? ????? ??????? ???????? ???? ?????? ?????? ?? ????? ????? ????? ?? ?? ???? ????? ??????. في الصومال، غالبا ما توظف النساء نساء أخريات، وتسهم المنشآت المنزلية التي تملكها المرأة في توفير وظيفة واحدة من كل أربع وظائف للنساء.
Image
Women's History Month

In la xaqiijiyo in mushaarka ay heli karaan haweenka shaqeeya ayaa asaas u ah in Soomaaliya ay kobacdo oo dadkeeda ay gaarsiiso heerarka wanaagsan ee nolosha, dadkaas oo 70% lagu qiyaaso inay ku noolyihiin wax ka hooseeya xadka saboolnimada. Maanta, ku dhawaad afar ka mid ah 10-kii haween ahba waxa ay si firfircoon uga qeybqaataan shaqooyinka, markii la barbardhigo ragga oo tobankiiba ay 7 ka qeybqaataan shaqooyinka.

In shaqo kaliya uu helo qofka kuma filna. Waxa muhiimka ah ayaa ah in qofka uu helo shaqo wanaagsan oo uu uga bixi karo saboolnimada uuna ku heli karo dakhli macquulgal ah.  Markii haweenka iyo ragga ay si siman u helaan fursadaha ay ku hagaajinayaan noloshooda ayna wax ugu biirinayaan qoysaskooda, bulshooyinkooda, iyo dalalkooda, ayaa taas waxa ay sare u qaaddaa wax soo saarka, waana hab aad u awood badan oo lagu dhaqaajiyo horumarka.

Loolanka ah in shaqooyin badan oo wanaagsan loo abuuro haweenka iyo ragga ayaa ah mid degdeg loogu baahan yahay. Gudaha Soomaaliya, wax soo saarka waxa uu afar meelood oo meel ka yar yahay celceliska dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika, halka bulshada oo dhalinyaro u badan ay ka dhigan tahay in sannadkasta qiyaastii 161,000 oo ah shaqaale cusub la filayo inay ka mid noqdaan xoogga shaqada illaa 2025.

Heshiiska Dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa waxa uu eegaa noocyada shaqada ay dadka qabtaan iyo sida ay isula jaanqaadi karaan wax soo saarka. Waxaannu la shaqeynay koox cilmibaarayaal maxalli ah si aynu u maqalno aragtida Soomaalida ee ku aaddan sida loollannada jira loogaga gudbi karo. Tani waa waxa aynu soo ogaannay:

Xagee laga helaa shaqooyinka?

  • Ganacsiga ayaa ah mid aad u baahsan waxa uuna qeyb ka yahay dhaqan guud, iyadoo ay yar tahay fursadaha shaqo ee lagu bixiyo mushaar xaddidan.
  • Ganacsiyada qoysaska ayaa lagu tiriyaa inuu ka badan yahay kalabar shaqooyinka la isku halayn karo, halka ganacsiyada hirgalay ay 15-kii shaqaba hal bixiyaan. Ganacsiyada qoysaska ayaa sidoo kale lala xiriiriyaa heerarka hoose ee saboolnimada.
  • Adeegyada ugu badan waa tafaariiqda. Ku dhawaad kala bar shaqooyinka dhammaan ganacsiyada qoysaska iyo boqolkiiba 70 ganacsiyada hirgalay ayaa markii horaba ka soo unkameen dhinaca tafaariiqda.
  • Ganacsiyada waa wayn ee hirgalay ee Soomaaliya ayaa waxa ay si ka degdeg badan dalalka kale u qaataan shaqaale, hasayeeshee dhibaatada ayaa ah in fursadahaasi aanay badneyn.
  • Haweenka ayey u badan tahay inay shaqo siiyaan haween kale. Ganacsiyada qoysaska ee ay haweenku leeyihiin ayaa afartii haween ahba mid shaqaalaysiisa.

Maxaa go’aamiya wax soo saarka, markii la eego qofka inta uu maalintii gadi karo?

  • Heerka ganacsiga ayaa muhiim ah. Ganacsiyada waa wayn ayaa 10 jeer ka wax soo saar badan kuwa qoysaska.
  • Haweenka ayaa dakhliga soo gala waxa uu ka yaryahay 40% inta ay helaan dhigooda ragga markii ay qabanayaan shaqooyinka isku midka ah taas oo markii la barbardhigo celceliska gobolka oo ah 34%.
  • Waxbarashada ayaa si layaab leh waxa ay wax ugu kordhisaa ganacsiyada hirgalay ookaliya.

Maxaa haweenka xaddidaya – sharraxaad la xiriirta farqiga u dhaxeeya wax soo saarka jinsiga

  • Caadooyinka iyo aragtiyaha laga qabo dowrka haweenka ee ganacsiyada qoyska iyo guud ahaan bulshada ayaa waxa ay xadidaan galaangalkii ay u yeelan lahaayeen fursadaha ay wax ku soo saari lahaayeen. Tusaalooyin badan, haweenka ayaa lagu taageeraa shaqada haddii ninka loo arko in qoyska uusan soo galinayn dhaqaale ku filan.
  • Haweenka ayaanan loo ogolayn inay ka qeybqaataan ganacsiyada laga helo faa’iidooyinka badan, sida inay soo dabtaan kalluun oo ay dhoofiyaan, inay xoolo lugtooda ku safriyaan iyagoo raadinaya suuq lacag badan ay ka heli karaan iyo sarifka lacagaha.
  • Haweenka ayaanan galaangal u helin dhaqaale iyo raasumaal ay ku bilaabaan oo ay ku maalgashadaan ganacsi. Halka habka ay lacagaha ku kaydsadaan ee hagbadda ama ayuutada ay ka heli karaan dhaqaale, taas ayaa ah mid aanan sidaasi u buurnayn sidoo kalana ay suuragal tahay inaanan ahmiyad gaar ah lagu siin ganacsiyada ay haweenka leeyihiin ee loo arko in ay halistooda badan tahay faa’iidadoodana ay yar tahay.
  • Markii la eego kobcinta qaran-dhiska, haweenka ayaa inta badan ka maqan goobaha lagu gaaro go’aanka iyo shabakadaha la iskula wadaago xogta ganacsiga.

Wax ka qabashada caqabadaha si loo abuuro shaqooyin badan oo wanaagsan

Iyadoo laga tixraacayo waxa hadda la haysto, ayaa taageerada gacansiyada gaar ahaan kuwa haweenka waxa ay dhalin kartaa faa'iido ka badan in shaqo la abuuro. Caqabadaha ugu badan ee ay ganacsatadu sheegeen inay wajahaan waxaa ka mid ah in aanay heli karin dhaqaale iyo dhul-ba. Waqtiga dhaw, in dayn la qaato ayaa weli ah mid u halis badan ganacsatada yaryar, hasayeeshee dhaqaale deeq ah ayaa qaadan kara dowr muhiim ah. Waqtiga dhexe, in kobaca shirkadaha lagu taageero in la horumariyo deegaan suuragelinkara abuuris shaqooyin degdeg ah. In la horumariyo dadka gaar ahaan haweenka, ayaa sidoo kale waxa ay xoojin kartaa helitaanka xirfado ay ku shaqeysan karaan dadka haatan dhinaca la geliyay. 

In laga ganacsado alaabo iyo adeegyaba ayey suuragal tahay in lagu taageero wax ka qabashada waxyaabaha dabada ka riixaya kala daadinta ganacsiyada guud ahaan Soomaaliya. Xilli Soomaaliya ay dadku usoo guurayaan magaalooyinka, in ganacsiyada la fududeeyo waxa ay gacan ka gaysan karaan isdhexgal wanaagsan, hasayeeshee arrintaas ayaa u baahan in marka hore wax laga qabto qiimaha sarreeya ee gaadiidka taas oo haatan ay sare u sii qaadayso baraha koontorool ee sharci-darra ah iyo canshuuraha badan ee la siiyo qaranka iyo kooxaha aanan dowliga aheyn.

Ballaarinta howlaha tafaariiqda ayey sidoo kale suuragal tahay inay gacan ka gaystaan wax soo saarka. Ganacsiyada kale ee leh fursadaha shaqo lagu abuuri karo ayaa waxaa ka mid ah dhinacyada soo dhaweynta, gaadiidka, iyo cuntada uu ku jiro kalluunka. Habka wax beerashada ee cusub ayey suuragal tahay in la horumariyo, hasayeeshee in wax la soo saaro iyo in la helo suuqyadii loo beecgayn lama ayaa waxa ay u baahan tahay awood ku filan oo ah in la helo saad, waddooyin diyaar ah iyo amni wanaagsan.

Maxaa u xiga Soomaaliya?

Soomaaliya ayey hubaal tahay in caqabado ay horyaallaan, balse waxaa iyana jirta suuragalnimada in laga gudbo arrimahaasi. Xilli Soomaaliya ay sii waddo dedaallada ku aaddan dayn cafinta iyadoo ka faa'iidaysanaysa hindisaha loogu talagalay dalalka aadka saboolka u ah, ayaa waxaa jira suuragalnimada ah in dalka uu helo kheyraad cusub markii uu dalka gaaro dhammaadka hannaankaasi taas oo laga yaabo in bilow cusub ay dalka siiso. Maalgashiyada ayaa sidoo kale taageera sidii galaangal loogu heli lahaa dhaqaalaha, in la horumariyo saadka tamarta, in la ballaariyo waaxda kalluumaysiga iyo in fursad labaad haweenka loo siiyo fursadaha waxbarasho. Kuwaasi waa qeyb ka mid ah meelaha aynu ku taageerno Taxanahayaga Horumarinta Siyaasad lagu Howlgeliyo Kobac loo dhanyahay, Ururka Caalamiga ah ee Horumarinta maalgashiga iyo in laga wadahadlo siyaasadaha guud. Xilli dalka uu isu diyaarinayo dowlad cusub, waxaa laga dhursugayaa ajande hammi wayn laga leeyahay oo isbadel lagu gaaro, iyo mid horseedi kara in muddo dhaw la helo shaqooyin wanaagsan oo badan.  

Warbixintan waxa ay qeyb ka tahay warbixinnada taxanaha ah ee dhanka online-ka ee Madasha Awoodsiinta Haweenka Soomaaliya ee Bangiga Adduunka taas oo soo bandhigta caddaymaha iyo xalka loo heli karo awoodsiinta haweenka iyo gabdhaha Soomaaliya.


Authors

Kalton Mohamed Hassan

Private sector development professional

Verena Phipps

Social Development Specialist

Join the Conversation

The content of this field is kept private and will not be shown publicly
Remaining characters: 1000